Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay Qunsul Ku xigeenka labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20241029_220817921.jpg?resize=770

Dowladda Soomaaliya ayaa u qabatay in uu 72 saac gudahood dalka kaga baxo Col. Cali Maxamed Aadan ahaa Qunsul Ku xigeenka labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku amartay in Col. Cali Garow muddo 72 saac gudahood uu dalka uga baxo, waxaana lagu eedeeyay in uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed.

“Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

“Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.”

“Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

FB_IMG_1730228353555.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay Qunsul Ku xigeenka labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this