Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu raadinayo Dowlad Goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730266534417.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu raadinayo Dowlad Goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran, si loo helo Wadajir iyo Midnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Hadal ka jeediyay Kulan uu Xalay la yeeshay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu Wada-hadal diyaar u la yahay Dowlad Goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran, si loo helo Midnimo guud.

“Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda”ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u gudbiyay codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka, kaasi oo uu kaga dhawaaqi doono in dalku si Rasmi ah u aaday doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa sidoo kale Kulankii Xalay ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu raadinayo Dowlad Goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this