Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada-hadlay xasilloonida iyo nabad-gelyada geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru -Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo ay weheliyaan agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee wasaaradda, iyo safiir ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Mudane Martin Stein, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Heiko Nitzschke kulan soo dhoweyn ah ugu sameeyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Muqdisho.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xasilloonida gobolka, nabad-gelyada, iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025.

Wada-hadallada ayaa xoogga lagu saaray xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka, wax ka qabashada caqabadaha amniga ee gobolka, iyo doorka Soomaaliya ee maamul caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha Sudan iyo Haiti.

Labada dhinac waxay xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan horumarinta dadaallada wadajirka ah, kobcinta dhaqaalaha gobolka, iyo taageeridda howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya hogaamiso, iyadoo laga faa’iidaysanayo taageerada EU kadib dhammaadka ATMIS ee 2024.

Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la dagaalanka argagixisada, oo ay
ku jiraan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wuxuu adkeeyay muhiimada xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed si loo gaaro nabad waarta oo gobolka ah, isagoo ballan qaaday inuu adeegsan doono dhammaan hababka suurtagalka ah si loo gaaro ujeedkan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this