Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka ayaa sheegay in Kuuriyada waqooyi ay Ruushku u dirtay in 10 kun oo askari oo qeyb-galaya dagaalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda gaashaandhigga mareykanka ayaa sheegtay in kuuriyada waqooyi ay Ruushka u dirtay in ka badan 10,000 oo askari si ay u biritaaraan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada dalka Ukraine.

Xogtan uu sheegay Pentagon-ku ayaa si weyn u kordhisay tirada askarta la qiyaasay ee Waqooyiga Kuuriya ay u dirtay moosko iyo cabsida ah in dagaalka Ukraine uu sii ballaarin karo, maadaama faragelinta militari ee Pyongyang ay saameyn baaxad leh yeelan karto.

Ciidamadan oo la geeyay bariga Ruushka ayaa la sheegay inay tababar iyo taakulo militari siin doonaan xoogagga moosko iyo dagaalamayaasha la safan, waxaana afhayeen u hadlay pantagon-ku sheegay in askartani ay ka howlgali doonaan meel u dhow soohdinta Ruushka iyo Ukraine.

Reer galbeedka ayaa walaac ka muujinaya in Ruushku uu doonayo in uu askartan u isticmaalo dagaalka ama uu ku taageero hawlgallada dagaalka ee ka dhanka ah ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Kursk ee Ruushka ee u dhow soohdinta labada dalka.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa sheegay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay geynayso dalkaasi ay halis ku yihiin amniga qaranka dalkiisa iyo beesha caalamkaba, isagoo dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay iskaashiga milatari ee sharci darro ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this