Deeq A. Posted October 28, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta jeediyey khudbad uu ku weeraray nidaamka uu Madxaweyne Xasan Sheekh ku hoggaaminayo dalka. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalku uu ku socdo ‘waddo aan toosneyn’ isla markaana toosintiisa ay masuuliyad ka saaran tahay xisbiyada siyaasadda dalka. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in hadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku mashquulsan tahay inay bedesho dastuurkii umadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay. “Waddo qaloocan oo talo aan la isku darsa karin oo dastuurkii dalka ee umadda meel la iska dhigay ayaa hadda dalka lagu hoggaaminayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka. Shariifka ayaa toos ugu dhaliilay Xasan Sheekh inuu diiday inuu talo ka qaato saamileyda siyaasadda, isagoo tusaale u soo qaatay arrinta dastuurka iyo tan doorashooyinka dalka. Sheekh Shariif ayaa hadalkaan ka sheegay madal uu kula hadlayey xubnaha xisbigiisa, kuwaas ooo u badnaa xubno hadda ku soo biiiray xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran. Sheekh Shariif ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey inay ku biiraan xisbiyada dalka, maadaama ay hadda heystaan fursad qaali ah oo jiilashii ka horeeyey aysan heli jirin. Hoos ka daawo The post Daawo: Shariif oo hal arrin ku dhaliilay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites