Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo ogolaatay in xabad joojin ku meel gaar ah laga dhaqan-geliyo marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
GettyImages-2169352575.jpg?resize=1000%2

Xukuumadda Israa’iil ayaa oggolaatay hindisaha heshiis xabbad-joojin kumeel-gaar ah oo laga dhaqan-geliyo marinka Gaza mudda 28 maalmood ah.

Heshiiskani ayaa lagu sii deynayaa 8 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah kuwaasi oo ay Israa’iil ku beddelanayso tobannaan Falastiiniyiin ah, sida ay ku warrantay shabakadda gaarka ah ee Axios oo xiriir la leh Aqalka Cad iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu.

Madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, William Burns ayaa soo diyaariyay hindisahan, oo si dhaqso ah ula kulmi kara diidmada Xamaas oo dooneysa nooc kasta oo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista in ay ku jirto heshiis dammaanad qaadaya in ciidanka Israa’iil laga saarayo Gaza.

Ra’iisul wasaare Netanyahu, ayaa shalay u sheegay xubnaha sare oo ka tirsan xibsigiisa Likud, in uu oggolaaday heshiis xabbad-joojin kumeel-gaar ah oo tiro yar oo maxaabiis ah lagu sii deynayo inta uu ku sugnaa xarunta  Baarlamaanka Israa’iil.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo ogolaatay in xabad joojin ku meel gaar ah laga dhaqan-geliyo marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this