Sign in to follow this  
Deeq A.

Taageerayaashii Kulmiye ee Berbera, Burco,Borama oo aan caawa la arag

Recommended Posts

Deeq A.   

Taageerayaashii xisbiga Kulmiye ee gobolada Saaxil Awdal iyo Togdheer ayaan caawa isu soo bixin sidii hore looga bartay.

Xisbiga Kulmiye ayaa caawa ilaa bari u lahaa in ay isu soo baxaan oo ay muujiyaan cududooda hadaba magaalooyinka Burco,Boorama iyo Berbera ayaa caawa haawanaaya oo aanu Xisbiga Kulmiye aanu wax awood ku lahayn.

Waxa caawa lagu arkay magaaladda Ceerigaabo oo uu ku suganyahay mid ka mid ah wasiir ku xigeenada xukuumadda Muuse Biixi waxana uu halkaasi maryo ugu qaybiyay 10 qof si ay u taageeraan xisbiga Kulmiye.

Waxa xoogaa dad ah lagu soo daabulay Khayriyada nmagaalada Hargeysa, sidoo kale waxa caawa ay tiro dad ahi isugu soo baxeen magaaladda Gabiley dadkaasi oo lagu qiyaasay in ay isku dhow dhowyihiin dadkii xalay Gabiilay isugu soo baxay.

Isku soo wada duub’oo xisbiga Waddani waxa u eegyahay mid codaynta horteedba hantiyay gobolada Togdheer, Awdal, Saaxil, Sanaag iyo galbeedka Sool, waxana la filayaa in gobolka Maroodijeex ay isku garab dhacaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this