Sign in to follow this  
Deeq A.

Bank-ga dhexe ee Soomaaliya oo ku biiray barnaamijka maareynta kaydka bank-yada adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in uu ku biiro barnaamijka bank-yada adduunka ee tala-bixinta iyo maareynta kaydka ee lagu magacaabo RAMP, isagoo noqday 𝐱𝐮𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟕𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee ku biirta shabakaddan caalamiga ah oo ay ku mideysan yihiin bangiyada dhexe ee adduunka, hay’ado maaliyadeed oo caalami ah, iyo sanduuqyada maareeya maaliyadda howl-gabka.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi , oo ka qeyb-gelay shir-sannadeedka Bangiga Adduunka (WB) iyo hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) 2024 uga socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa saxiisay heshiika uu Bankiga Dhexe ugu biiray Barnaamijka RAMP ee Bangiga Adduunka.

Guddoomiyaha oo tilmaamaya muhiimadda heshiiskani u leeyahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ku biirista barnaamijkani ay bank-ga dhexe Soomaaliya ka dhigayso mid la jaan-qaadaya hannaanka casriga ah ee kaydka iyo maareynta bank-yada dunida, wuxuuna hoosta xariiqay in tillaabadani ay tahay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this