Cige Posted June 7, 2009 Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo hanjbaad u jeediyay Kusimaha Afhayeenka Maxkamadaha. Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku heyb ah Kusimaha Afhayeenka Maxaakimta Islaamka C/rizaq Qeyliyow ayaa hanjabaad ugu jeediyay in uu dalka isaga baxo hadii kalena ay beeshiisa ula dhaqmi doonto si lamid ah xubnaha dawladda KMG ah katirsan. Ilo wareedyo muhim ah ayaa caddeynaya in xiriiro kala duwan oo dhexmaray saraakiisha iyo kusimaha Afhayeenka ay guul dareysteen kadib markii lagu amray C/Rizaaq Qeyliyow lagu amray in uu dalka isaga baxo hadii uu doonayo in naftisa ay u badbaado, sida aan kasoo xiganay dad eheladiisa ah oo ka xumaaday. Kusimaha Afhayeenka Maxaakimta Islaamka oo beel ahaan kasoo jeeda dadka dega deegaanka Dayniile ayaa Odayaal dhaqameedyo u bandhigeen in uu ka haro shaqadaasi iyadoona ay u jeediyeen guud ahaan Somaliya in uu isaga tago oo uu tago magaalada Nairobi. Afhayeenki hore ee Howlgallada Maxaakimta C/Raxiim Ciise Cadow ayaa isaga tagay Muqdisho iyadoona dad ay ku arkeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana uu ku andacooday in uu uso tagay arrimo caafimaad. Markacadey.net,Muqdi sho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cige Posted June 7, 2009 Kii ay cagaha dhulka ugu dhuftaanba waa iska cararayaa war dadku fulaysanaa .... Quote Share this post Link to post Share on other sites