Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farxaan.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirada  ayaa  isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada  horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka.

Labadaan masuul ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamka ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this