Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay xoghayaha guud ee xariirka dhaqaalaha Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka kulan muhiim ah waxa uu kula yeeshay 𝐍𝐢𝐞𝐥𝐬 𝐀𝐧𝐧𝐞𝐧 oo ah Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka, xili uu gaba gabo ku sii dhaw yahay shirka sanad laha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024-ka.

Kukanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay koow ka tahay sidii labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen kobaca maaliyadda Soomaaliya iyo Xiriirka labada dhinac ee ku qotoma Maalgalinta mashaariicda horumarineed.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdiga uu hoggaaminayo waxa ay kulan miro-dhal ah la qaateen xubno sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Mareykanka oo kamid ah Dowladaha sida dhaw ugala shaqeeyay Dowladda Soomaaliya ka gun gaariddii barnaamijkii Dayn Cafinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbihii ay ku muujin laheyd kaalinteeda Wadamada Gobolka ee horumarinta Hannaanka Maaliyadda oo dadaal xoogan la galiyay sanadihii la soo dhaafay

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this