Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare ku xegeenka labaad ee XFS oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada iyo wasiirkii hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Wasiirkii hore Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  labaad ee Dalka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha Bulshada, barnaamijyo shaqo abuur ah  oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.

Mudane Cabdisalaan Dhaay ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore ee wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Dhanka Kale, waxaa xilka wasiir dowlaha ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada la wareegay, Mudane xildhibaan Caynaanshe yuusuf.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this