Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland secret service moving to a new headquarters

Recommended Posts

Sirdoonka Somaliland oo maanta u guuraya Qalcad ay Sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriisku ka dhiseen Hargeysa

 

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in madaxda Sirdoonka Somaliland iyo kuwa Maraykanka, Ingiriiska Jarmalka iyo Denmark ay ....

 

Hargeysa (GNS) Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa maanta u guuraya Qalcad ay Sirdoonka dalalka Maraykanka ee CIA iyo Ingiriiska ee MI6 ka dhisteen Hargeysa, taasoo ay si rasmi ah ugu wareejiyeen toddobaadkii ina dhaafay.

 

Qalcadaas oo la filayay inay Sirdoonka labadaa Dal u adeegsanayaan Jeel ahaan ayaa haatan noqonaysa meel ay ku shaqeeyaan Ciidanka Sirdoonka Somaliland ooh ore dul-saar ku ahaa xarunta Socdaalka Somaliland ee Immigiration’ka

 

Sida aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw Ciidanka Sirdoonka waxa la filayaa u guuritaanka xaruntaas oo ku taala guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore agtiisa oo ah meel aad loo adkeeyay dhismaheeda iyo Amaankeedaba, isla markaana lagu qalabeeyay qalab casri ah in loo sameeyo xaflad xadhiga lagaga jarayo

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in madaxda Sirdoonka Somaliland iyo kuwa Maraykanka, Ingiriiska Jarmalka iyo Denmark ay yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ay kula kala wareegayeen xaruntan iyo taageero ay siiyaan Sirdoonka Somaliland, waxaanay balanqaadeen dhawaan inay soo gaadhsiin doonaan gaadiid iyo qalab kale sidoo kalena ay u furi doonaan tababaro ay ku qaataan gudaha Dalka iyo Dibedaba iyagoo u sida la sheegay u sii daayay lacagayoow ay ka xayireen in muddo ah.

 

Waaheen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Maanta U Guuraya Dhisme Ay U Dhiseen Hay’adaha Sirdoonka Ee Maraykanka Iyo Ingiriisku.

 

 

Hargeysa(Waaheen) Sept.25, 2010 - Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa maanta u guuraya dhisme ay Sirdoonka dalalka Maraykanka ee CIA iyo Ingiriiska ee MI6 ka dhiseen Hargeysa, taas oo ay si rasmi ah ugu wareejiyeen toddobaadkii ina dhaafay.

 

source ramaasnews.com

 

Sida aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw Ciidanka Sirdoonka waxa la filayaa u guuritaanka xaruntaas oo ku taala guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore agtiisa oo ah meel aad loo adkeeyay dhismaheeda iyo amaankeedaba, isla markaana lagu qalabeeyay qalab casri ah in loo sameeyo xaflad xadhiga lagaga jarayo.

 

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in madaxda Sirdoonka Somaliland iyo kuwa Maraykanka, Ingiriiska Jarmalka iyo Denmark ay yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ay kula kala wareegayeen xaruntan iyo taageero ay siiyaan Sirdoonka Somaliland, waxaanay balan qaadeen dhawaan inay soo gaadhsiin doonaan gaadiid iyo qalab kale. Sidoo kalena ay u furi doonaan tababaro ay ku qaataan gudaha Dalka iyo Dibedaba, iyaga oo sida la sheegay u sii daayay lacagayoow ay ka xayireen in muddo ah.

 

 

Dhinaca kale, waxa jahawareer ka taagan yahay kala saarista ay xukuumaddu Somaliland kala saartay Ciidamadda Sirdoonka iyo laanta Socdaalka oo isku jiray, isla markaana sida u muuqata imika aan kala maarmi karin, maadaama ay jiraan duruufo adag oo dhinaca amaanka ah oo loo baahan yahay in la iska kaashado.

 

 

Kala saarista labadan xafiis ayaa hore khilaaf uga dhex abuuray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha kadib markii uu wasiirkiisa Arrimaha Guduhu dalbaday in labadoodaba lagu wareejiyo balse uu ku gacan saydhay, arrintaas oo sida aanu wararka ku helayno ilaa hada taagan una baahan inay Xukuumaddu xal deg deg ah ka gaadho si aanay u dhicin dhacdadii Ciidamada ONLF tu kaga soo degeen Xeebaha Galbeed ee Somaliland oo ay gudidii xaqiiqo raadintu sheegtay inay sahashay kala daadsanaan ka dhex jirtay Ciidanka Qaranka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa maanta u guuraya Qalcad ay Sirdoonka dalalka Maraykanka ee CIA iyo Ingiriiska ee MI6 ka dhisteen Hargeysa

Subxaanallaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

quote: Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa maanta u guuraya Qalcad ay Sirdoonka dalalka Maraykanka ee CIA iyo Ingiriiska ee MI6 ka dhisteen Hargeysa

Subxaanallaah
i dont see anything subxanallah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this