Deeq A. Posted October 27, 2024 Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhaba ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay, isla markaana usoo gacan galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Labada xubnood oo ah wiilal dhalinyaro ah ayaa lagu soo dhaweeyay guddaha deegaanka Goofgaduud-Buurey ee gobolka Baay, halkaas oo ay uga hortageen ciidamada Xoogga. Soo dhaweynta xubnahan ayaa waxaa qayb ka ahaa taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka Laba Xidigle Axmed Maxamed nuur (Axmed Dhagey), wuxuna sheega in xubnahaan ay iska soo dhiibeen meel qiyaastii 18 km u jirta degaanka Goofgaduud-buurey ee gobolka Bay. Magacyada xubnaha isa soo soo dhiigay ayaa waxaa lagu kala sheegay Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur, waxayna muddo ka tirsanaayeen Khawaarijta, iyaga oo ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobollada Baay iyo Bakool Sidoo kale wareysiyo laga qaaday ayaa waxa ay ku sheegeen in intii ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay tababarro kusoo qateen degmada Bu’aalle, kadibna la dagaal geliyay. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee qabtay xubnahan ayaa sheegay in ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh si loo marsiiyo habraaca isa soo dhiibayaasha Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay soo qabteen ciidanka iyo kuwo iskood isku soo dhiiba, oo sheegay inay ka laabteen fikirkaas. The post Xubno Shabaab ah oo maanta usoo gacan galay DF + Sawirrro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites