Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni “Dowladda Xasan Sheekh waxay xaraash ku waddaa Hantidii Qaranka ee Muqdisho”

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730017990273.jpg?resize=720%2C53

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mas’uul ka tahay xaraashidda dhulkii danta guud iyo Hantidii Qaranka ee Muqdisho.

“Dhulkii danta guud iyo Hantidii Qaranka ee Muqdisho waxaa ku socda xaraash aan sharci ahayn waxaa la marinaya Cagafyo waxaana loo adeegsanaya dano shakhsiyeed ee dan dowladeed lagu qaban mayo iyadoo laga iibinayo Ganacsato” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale ugu baaqay Ganacsatada iibsanaya dhulkii danta guud ee Muqdisho in ay ka waantoobaan arrintaasi oo aysan qayb ka noqon xaraash aan sharci ahayn oo hay’adaha dowladda la marin kaasi oo lagu iibsanayo Hantidii Qaranka.

“Waxaan halkaan uga baaqayaa Ganacsatada Reer Muqdisho in ay ilaah uga baqaan waxay ka shaqaynayaan oo aysan ku kadsoomin dhulka danta Qaran ah in xaraash aan sharci ahayn oo hay’adaha dowlarda la marin lagu iibiyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa dhinaca kale Siyaasiyiinta Muqdisho ugu baaqay in ay dowladda Xasan Sheekh gacanta ka qabtaan xaraashka dhulka danta guud iyo Hantidii Qaranka waxaana uu sheegay in jidka dowladda Federaalka Soomaaliya ku socoto aanu ahayn jidkii saxda ahaa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni “Dowladda Xasan Sheekh waxay xaraash ku waddaa Hantidii Qaranka ee Muqdisho” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this