Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Supreme Court Announces the Election Results

Recommended Posts

“Maxkamada Sare ee distooriga ah ee Somaliland markay aragtay in sadexda xisbi qaran ee Somaliland UDUB, KULMIYE iyo UCID mid waliba uu helay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday sidan Xisbiga KULMIYE oo helay 266,906 oo u dhiganta 49.59%, Xisbiga UDUB oo helay 178,881 oo u dhiganta 33.28%, xisbiga UCID oo helay 92,450 oo u dhiganta 17.23%. markay Maxkamada Sare hubisay xisaab ahaan dhammaan qoraalada raad raaca asalka ah ee xafiisyada doorashooyinka gobolada iyo Natiijada ku meel gaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashooyinka qaranku 1/07/2010 markii ay maxkamaddu xaqiijisay inaanu jirin wax dacwad ama cabasho ah oo ku saabsan dooorashada madaxtooyada aanay soo gaadhin tobankii maalmood ee ka dambeeyay dhawaaqii natiijadii ku meel gaadhka ahayd.”

 

 

 

 

 

“Markii ay u cadaatay Maxkamada hawl galada Guddida doorashooyinka qaranku qaaday dhamaan ay waafaqsan yihiin qodobada distoorka Somaliland oo kala ah 80,81, 82 iyo 83 iyo Qodobada xeerka No:17/2000 ee xeerka aasaaska Axsaabta qaranka eek ala ah Qodobka 1-aad fiqrada 5-aad iyo Qodobka 2-aad, Qodobka 7-aad fiqrada 2-aad, Qodobka 7-aad fiqrada koowaad iyo fiqrada 2-aad. Sidaasi darteed Maxkamadu waxay soo saartay qaraarkan waxay ansixiysay Natiijada ku meel gaadhka ah ee Guddida doorashooyinka qaranka,”Ayuu yidhi Md. Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomane).

 

 

 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare wuxuu ku dhawaaqay inay sharci tahay in xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay, isla markaana Murashaxiintiisu ku guulaysteen xilalka kala ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa jagada madaxweynaha Somaliland ku guulaystay Musharaxa koowaad ee Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud Aadan uu ku guulaystay Madaxweynaha Somaliland, Murashaxa labaad Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Shire uu isna ku guulauystay Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland.mudada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub waa shan sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.Madasha dhaarta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub waxay noqonaysaa Xarunta madaxtooyada Somaliland oo ay goob joog ka yihiin Madaxda Goleyaasha xeer dejinta. Mudada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore waxa xilkoodu ku afjarmayaa maalinta la dhaariyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this