Deeq A. Posted October 27 Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta dib uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga iyo hanaanka doorashooyinka. Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxaa lagu falanqeynayaa dadaallada dagaalka Al-Shabaab, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo fulinta heshiisyadii hore ee wadatashiga. Si kastaba ha ahaatee, shirkan waxaa ka maqan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Maamuladaasi ayaa horey uga soo horjeestay qaababka dowladda federaalka ee la xiriira dib-u-habeynta doorashooyinka iyo arrimaha amniga, taas oo keentay in xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe xumaado mararka qaar. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites