Deeq A. Posted October 26, 2024 Israa’iil ayaa sheegtay in ay aroornimadii hore ee Sabtida maanta ah weerar cirka ah ay ku qaadday saldhigyo millatari oo ay ku yaalla dalka Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay kaga aargudaneyso duqeymihi cuslaa ee ay Iran ku garaacday Israa’iil horraanti bishan October. Weerarka ay Israa’iil saaka waabarigi ka hor ku qaadday Iran ayaa ka dhigan tallaabadi u danbeysay ee colaadda sii xumaneysa ee ka aloosan Bariga Dhexe, taas oo sababtay dhimashada tobnaan kun oo qof muddo ka badan sannad. Ma jiro war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Iran oo ku saabsan weerarkan, hase yeeshee, warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in laba hir oo qaraxyo aad u waaweyn laga maqlay muddo ku siman laba saacadood gudaha caasimadda Tehran iyo hareeraheeda, gaar ahaan saldhigyada millatariga. Laba sarkaal oo Israa’iili ah oo qariyay magacyadooda ayaa wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay in Isra’il aysan weerarin xarumaha Iran, balse ay bartilmaameedsatay saldhigyo millatari. Iran waxay xirtay marinnada hawada ee ku aaddan xaduudaheeda isla maanta oo Sabti ah. Duulimaadyada mari lahaa hawada Iran, Ciraq, Suuriya iyo Lubnan ayaa la weeciyay sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP. Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Rueters, in Isra’il ay ku wargelisay xukuumadda Washington weerarka ay ku qaadday Iran. Saraakiishan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Mareykanka uusan ku lug laheyn weerarkaasi. Source Share this post Link to post Share on other sites