Sign in to follow this  
Deeq A.

Doodda ka dhalatay sawirrada ragga Soomaalida ah ee ka qeyb galay shirka haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraha bulshada ayaa waxaa ka dhashay caro ka dib markii wasiirka qoyska ee Soomaaliya Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac uu barta X ku wadaagay sawiro isaga iyo nin kale oo ka mid ah ergada Soomaaliya u matalaysa shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka.

Fatxiya Cabsiye, oo ah qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa BBC-da u sheegtay “Waa dhego-la’aan in dowladda Soomaaliya ay safka hore kaga jiraan rag, kuwaasoo matalaya shirka arrimaha haweenka.”

Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ayaa BBC-da u sheegay in labo haween ah ay sidoo kale ka mid ahaayeen wafdigii Soomaaliya ee afarta xubnood ka koobnaa ee ka qeyb galay munaasabada oo looga hadlayay arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga taas oo ka dhacaysay New York, balse sawirka uu wasiirka barta bulshada ku wadaagay kama aysan muuqan labada haween.

Tirada guud ee ka soo qeyb-galayaasha munaasabadda waxay ahaayeen 197 ergo kuwaas oo ka kala socday 57 wadan balse ragga waxay ahaayeen 21 kaliya halka inta kalana ay dumar ahaayeen.

ad435a90-92f5-11ef-89ae-5575c76d98e6.jpg

Sawirka kooxda ee laga soo qaaday xaflada – oo la qabtay horaantii todobaadkan – ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada Soomaalida, iyadoo dad badan ay sheegeen in dowladdu aysan si dhab ah uga qaadan arrimaha haweenka.

Sawirro dhowr ah oo laga soo qaaday shirka ayaa lagu soo bandhigay barta X oo horay loo oran jiray Twitter, mid ka mid ah ayaa muujinaya Janaraal Jaamac oo la socda la taliyihiisa, Xildhibaan iyo wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre; halka sawir kalena uu muujinayay hoolka kulanka oo uu fadhiyo nin kale, oo BBC-da loo sheegay in uu gacan yare ahaa.

“Ma ahayn nin keliya oo wasiir ah oo goobta joogay – waxaa jiray rag badan oo wasiirro ah, oo matalayay waddamada sida Japan iyo Shiinaha,” Maxamed Bashiir, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda qoyska iyo horumarinta aadanaha ee Soomaaliya ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

Labada hablood ee Soomaalida ah ayuu sheegay inay kala ahaayeen Iman Elman oo ah sarkaal caan ah oo ka tirsan ciidamada milateriga iyo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda.

Xildhibaan iyo wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiir Bashiir

Xigashada Sawirka,Somalia’s Family Ministry / X

Qoraalka sawirka,Xildhibaan iyo wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiir Bashiir

Dooddan baraha bulshada ayaa dib u soo celiyay dhaleeceynta go’aankii dowladda ee bishii Luulyo ee looga baddalay waasaaradda oo markii hore ahayd Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo loo beddelay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Waa markii Janaraal Jaamac oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo xilal ay ka mid yihiin hoggaanka sirdoonka iyo ciidanka Asluubta soo qabtay loo magacaabay xilka wasaaradda.

“Ka saarida ereyga ‘haweenka’ ee magaca wasaaraddu waxay tirtiraysaa halganka iyo baahiyaha gaarka ah ee haweenka. Waxay soo koobaysaa arrimahooda marka loo eego ereyga ballaaran ee ‘qoyska’,” ayay tiri Fatxiya Cabsiye.

Xuquuqda haweenka Soomaaliya ayaa sannado badan la eegayay.

Haweenka Soomaaliyeed – oo soo maray dhibaatooyinka dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday iyo kacdoono Islaamiyiin ah – ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaaray nabad-dhisidda Soomaaliya, inta badana waxay geli jireen door hoggaamineed waxayna riixayeen ka qaybgalkooda siyaasadda.

Iyadoo ay taasi jirto, ma jiraan haween badan oo ku jira mansabyo saameyn siyaasadeed leh.

“Haweenku had iyo jeer waxay ahaayeen kuwa looga tira badan yahay hoggaanka, hadda waxay wasaaradihii u haray ay siiyeen ragga,” ayay tiri Fatxiya Cabsiye.

Qaar ayaa difaacay dawladda, iyaga oo sheegay in aanay waxba u arag in nin khibrad u leh uu hoggaamiyo wasaaradda qoyska.

Laakiin codadka kuwa ku baaqaya in si xooggan uga muuqdaan jagooyinka dowladda ayaa sii kordhaya – waxaana Janaraal Bashir uu sheegay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii haweenka door muhiim ah loo siin lahaa mustaqbalka.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this