Sign in to follow this  
Jacaylbaro

WERIYAYAAL REER SOMALIA AH OO LAGU XIDHAY SOMALILAND

Recommended Posts

WERIYAYAAL REER SOOMAALIYA OO LA QABTAY KA DIB MARKII AY ISKU DAYEEN INAY SOMALILAND KU GALLAAN BILAA FIISE

 

 

Weriyayaal ka socda dalka Soomaaliya ee la jaarka ah Somaliland ayaa galabta bilaa fiiso ku soo galay caasimadda Somaliland, ka dibna waxa la geeyay xarunta waaxda ciidamada Socdaalka ee Somaliland....

 

 

Weriyayaashan oo ka kala socda Idaacadaha kala duwan ee dalka Soomaaliya, waxa ay dalka Somaliland soo galleen iyaga oo aan sidan haba yaraate wax fiiso dal ku gal ah, waxaanay sheegeen inay dalka ku yimaadeen casuumad ay u fidiyeen hay'adaha UNICEF iyo WHO, taas oo aan suurto gal ka ahayn in wadan lagu galo casuumad hay'adi fidisay iyada oo aan fiise la siin.

Weriyayaashan waxa markii hore la geeyay xarunta waaxda socdaalka, haddase waxa la dejiyay hoteelka Maaweel ee badhtamaha Hargeysa, waxaana la filayaa inay wadankoodii ay ka yimaadeen dib ugu noqdaan.

Weriyayaashan oo u badan rag dhallinyaro ah waxa ay u muuqdaan rag iska indho tiraya shuruucda dalka ku galka ee wadamada dunida, waxaanay sida muuqata Somaliland u haysteen sida magaalo Soomaaliya ka mid ah oo ay geli karaan kana bixi karaan marka ay doonaan, waxaana ka mid ah Weriyaha BBC-da u jooga gobolada Puntland kaas oo isagu si sharci ah u galay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu soo saaray Fiise dal ku gal ah oo ka haystay xukuumadda Somaliland.

 

Waxa la sheegay inay weriyayaashani u socdeen ka qayb galka siminaar labadaas hay'adood qaban qaabiyeen balse aanay ka warqabin Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this