Jacaylbaro Posted October 15, 2006 WERIYAYAAL REER SOOMAALIYA OO LA QABTAY KA DIB MARKII AY ISKU DAYEEN INAY SOMALILAND KU GALLAAN BILAA FIISE Weriyayaal ka socda dalka Soomaaliya ee la jaarka ah Somaliland ayaa galabta bilaa fiiso ku soo galay caasimadda Somaliland, ka dibna waxa la geeyay xarunta waaxda ciidamada Socdaalka ee Somaliland.... Weriyayaashan oo ka kala socda Idaacadaha kala duwan ee dalka Soomaaliya, waxa ay dalka Somaliland soo galleen iyaga oo aan sidan haba yaraate wax fiiso dal ku gal ah, waxaanay sheegeen inay dalka ku yimaadeen casuumad ay u fidiyeen hay'adaha UNICEF iyo WHO, taas oo aan suurto gal ka ahayn in wadan lagu galo casuumad hay'adi fidisay iyada oo aan fiise la siin. Weriyayaashan waxa markii hore la geeyay xarunta waaxda socdaalka, haddase waxa la dejiyay hoteelka Maaweel ee badhtamaha Hargeysa, waxaana la filayaa inay wadankoodii ay ka yimaadeen dib ugu noqdaan. Weriyayaashan oo u badan rag dhallinyaro ah waxa ay u muuqdaan rag iska indho tiraya shuruucda dalka ku galka ee wadamada dunida, waxaanay sida muuqata Somaliland u haysteen sida magaalo Soomaaliya ka mid ah oo ay geli karaan kana bixi karaan marka ay doonaan, waxaana ka mid ah Weriyaha BBC-da u jooga gobolada Puntland kaas oo isagu si sharci ah u galay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu soo saaray Fiise dal ku gal ah oo ka haystay xukuumadda Somaliland. Waxa la sheegay inay weriyayaashani u socdeen ka qayb galka siminaar labadaas hay'adood qaban qaabiyeen balse aanay ka warqabin Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites