Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay weerarka Isra’il ku qaaday Caasimadda Iran ee Tehran

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Yahuuda ayaa sheegtay inay waaberigii hore ee maanta fulisay weerar cirka ah oo ay ku bartilmaameedsatay saldhigyo millatari oo ku yaalla gudaha Iran, iyada oo ku sababeeysay inay uga aargudaneyso duqeymihii cuslaa ee Iran ku qaaday Isra’il horraantii bishan October.

Weerarkan, oo dhacay saaka waaberigii ka hor, wuxuu calaamad u yahay sii xumeynta colaadda ka aloosan Bariga Dhexe, taas oo muddo sanad ah sababtay dhimashada tobanaan kun oo qof.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Iran ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkan, hase yeeshee, warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in laba hir oo qaraxyo waaweyn laga maqlay muddo ku dhow laba saacadood gudaha caasimadda Tehran iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan saldhigyada millatari.

Dhanka kale, laba sarkaal oo Israa’iili ah, oo diiday in magacyadooda la shaaciyo, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka uusan si toos ah u beegsan xarumaha Iran, balse uu ku wajahnaa saldhigyo millatari oo muhiim ah.

Iran ayaa isla maanta xiray marinnada hawada ee ku dhow xuduudaheeda, taas oo sababtay in duulimaadyadii mari lahaa hawadeeda iyo kuwa dalalka Ciraaq, Suuriya, iyo Lubnaan loo leexiyo waddooyin kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this