Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ka Dooday Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2025

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii afaraad ee wadajirka ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa muhiim u ahaa dajinta miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2025.

Kulanka ayaa waxaa lagu bilaabay akhrinta saddexaad ee warbixinta xisaab-xirka sanadka maaliyadeed ee 2023, taasoo uu soo bandhigay Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. Intaas ka dib, xildhibaannada labada aqal ayaa cod u qaaday warbixintaas, waxaana ogolaaday 167 xildhibaan, halka saddex xildhibaan ay diideen, cid ka aamustayna ma jirin.

Ka dib, xildhibaannada labada aqal ayaa guda galay akhrinta labaad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda ee sanadka 2025. Xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen (Uurdoox), ayaa golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan miisaaniyadda 2025 iyo sida loo qeybiyay.

Intii uu kulanku socday, xildhibaannada labada aqal ayaa dood adag ka yeeshay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025, iyagoo su’aalo ku saabsan habka loo qeybiyay miisaaniyadda weydiiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo ka qeybgalayay kulanka islamarkaana ka jawaabay su’aalaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay doodda miisaaniyadda dowladda ee 2025, taas oo dib loogu celin doono Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal si ay ugu soo daraan fikradaha iyo doodaha xildhibaannada ka dibna golaha loogu soo celiyo si ay ugu codeeyaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this