Sign in to follow this  
Deeq A.

Markabka Shidaal baarista Turkiga ee Oruç Reis oo ku xirtay dekedda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1729867799743.jpg?resize=720%2C48

Markabka Turkish-ka ee Oruç Reis oo shidaal sahminta ka sameynaya Soomaaliya ayaa maanta ku xirtay dekedda magaalada Muqdisho.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale isla maanta soo-gaaray Muqdisho.

Weftiga Turkish-ka ayaa waxaa madaxtooyada ku qaabiley Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Villa Somalia ay soo dhigtay facebook.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in waftiga ay ka qeyb-galayaan munaasabadda soo dhawaynta markabka Oruç Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid Soomaaliya.

Markabka ayaa xeebta Istanbul ka soo dhaqaaqay 5-tii October kadib markii loo sameeyey xaflad sagootin ah, oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin Soomaali iyo Turkish ah, oo uu ka mid yahay madaxweyne Reece Tayyip Erdogan.

Howlgalka markabkan ayaa ka dambeeyey heshiis Iskaashi Difaaci iyo Dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkey.

PUNTLAND POST

The post Markabka Shidaal baarista Turkiga ee Oruç Reis oo ku xirtay dekedda Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this