Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo saaka furaya Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
unnamed.jpg?resize=512%2C341&ssl=1

Kal-fadhiga 55ad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo Saaka oo Sabti ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu Saaka si rasmi ah u furo Kal-fadhiga 55ad ee Baarlamaanka Puntland islamarkaana uu ka jeediyo Khudbaddiisa dastuuriga ah.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Khudbaddiisa kaga hadli doona arrima ay kamid yihiin Khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland iyo sidoo kale guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa xalay lagu wargeliyay in ay wakhti hore soo xaadiraan Xarunta Golaha Wakiilada ee uu ka furmayo Kal-fadhiga 55ad.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo saaka furaya Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this