Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aan Rasmi ah ka qaatay Khariirad muran dhalisay oo ay adeegsatay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1729946609454.jpg?resize=720%2C67

Dowladda Puntland ayaa si kulul u cambaaraysay, islamarkaana nasiib darro ku tilmaantay khariirad ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo muran gelisay gobollo iyo degmooyin ka tirsan Puntland.

Warsaxaafadeed Rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku cambaaraysay khariiraddaasi muranka gelisay degaannada ka tirsan gobollada iyo degmooyinka Puntland

“Arrintaan waxay kaloo horudhac u tahay khilaafaadka ka imaan kara sahaminta iyo soo saarista khayraadka Dalka ee aan heshiiska lagu ahayn ee sida shaqsiga iyo qarsoodiga ah loo siiyey shirkaddo iyo Waddamo aan Marin hannaanka sharciga ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

“Xuduudayntaan cusub waxay muujinaysaa in lagu carqaladeynayo Midnimada, Wadajirka, Xasiloonida iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolada Puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka aoo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale uga digtay dowladda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinkani keeni karaan xasilooni daro iyo dib u dhac ku yimaada midnimada, Wadajirka iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Puntland

FB_IMG_1729945854290.jpg?resize=720%2C84

PUNTLAND POST

The post Puntland oo go’aan Rasmi ah ka qaatay Khariirad muran dhalisay oo ay adeegsatay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this