Deeq A. Posted October 24 Weerarkii gelinkii dembe ee arbacada lagu qaaday mid kamida warshadaha sameeya qalabka hawada sare ee Turkiga (TUSAS) oo ay dowladdu maamusho ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof, waxaana ku dhaawacmay 22 kale. Weerarkan ayaa waxaa fuliyay koox hubaysan oo gudaha u galay warshada ka dibna rasaas ka billaabay, sidoo kale qarax xoogan ayaa goob ka dhacay. Dowladda Turkiga ayaa masuuliyadda weerarkan ku eedeysay kooxda PKK ee Kurdiyiin, waxayna militariga dalkaasi duqeeyeen goobo ay ururkani uga suganyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayagoo sheegay inay uga jawaabayaan falkan lama filaanka noqday ee ka dhacay warshada. Weerarka warshada TUSAS ayaa dhacay maalin ka dib markii hadal aan horay loo aragi uu ka soo yeeray hogaamiye sare oo ka tirsan isbahaysiga madaxneynaha, oo ku saabsanaa suurtagalnimada in dib loo billaabo hannaan nabadeed oo lala yeesho xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee dalka laga mamnuucay ee (PKK). Kooxda oo uu Turkigu u arko waxaay 40 sano ka badan la dagaalamayeen dowladda, waxayna masuuliyiintu rumaysanyihiin in PKK laga yaabo in ay weerarkan ula jeeddo fariin ah in aysan diyaar u ahayn wada-hadal iyo in ay hubka dhigaan. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites