Sign in to follow this  
General Duke

Addis Ababa: President Yusuf meets with Siciid Djinit [top AU official]

Recommended Posts

Addis Ababa: Madaxweyne Yuusuf oo la kulmay Siciid Djinit.

 

6. januar 2008

Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la kulmay Madaxda Qeybaha kala duwan ee Midowga Africa ,isagoo kala hadlay arinta Soomaaliya iyo arimaha Kenya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay Gudoomiyaha golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit oo ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya ,ayagoo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa usheegay Masuulkaasi in looga baahan yahay golaha amaanka uu ku booriyo dowladaha Africa in ay ciidamo nabad ilaalin ah Soomaaliya ku geeyaan si deg deg ah ,si dalka ay uga baxaan ciidamada dowlada Itoobiya oo dowlada Soomaaliya hada caawinaya mudo sannadkan ka badan.

 

Siciid Djinit ayaa sheegay in ay goluhu doonayaan in ay dhameystiraan dadaalkooda ku aadan Nabad raadinta dalka Soomaaliya ,isagoo sheegay in dhawaan shir ay yeelan doonaan Midowga Africa arinta Soomaaliya iyo Kenya looga hadlayo.

 

Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaysan jirin wax faahfaahin oo ka soo baxday ,balse Wakaalada Wararka Itoobiya ee ENA ayaa sheegtay in ay labada Masuul ka wada hadleen xaalada Soomaaliya.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa tibaaxay in ay dowladiisu waxyaabo badan ka qabtey dalka Soomaaliya ,markaasna hada inta badan Soomaaliya tahay meel nabadgalyo loogana baahan yahay Midowga Africa in ay ciidamada geeyaan Soomaaliya ,ciidamadaasoo dowlada Soomaaliya ka caawinaya waxyaabo badan.

 

Isagoo ku nuux-nuuxsaday Madaxweyne Yuusuf in ay dowladiisu dooneyso waxqabad dhab ah ,ayna ku cel-celinayaan Madaxda dowlada Africa in ay deg deg ciidamadooda ugu biirayaan ciidamada hada joogo ee ka socda dowladaha Burundi iyo Ugandha kuna howlgalaya Magaca Midowga Africa.

 

Kulankaan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa ayaa gogol xaar u ah Kulanka Madaxweynayaasha Africa ay ku leelan doonaan Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyada oo la kulmay guddoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada Afrika.

 

Hoggaamiyaha wadanka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa oo uu gaaray maalintii doraad waxaa uu kulan kula qaatay gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada e Qaarada Afrika Said Djinnit

 

Hoggaamiyaha wadanka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa oo uu gaaray maalintii doraad waxaa uu kulan kula qaatay gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada e Qaarada Afrika Said Djinnit

 

Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa sarkaalkan sare ee Afrikaanka ah waxaa uu war bixin ka siiyay xaaladaha uu haatan dalku marayo,gaar ahaana dhanka amaanka,waxaana uu Mr Said Djinnit amaanay qaabka ay dowladda federalka Soomaaliya iminka ku shaqeyneyso.

 

Hoggaamiyaha dalka Soomaaliya waxaa uu ka dalbaday Mr. Said Djinnit in uu ku dhiirrigeliyo dowladaha Afrikaanku in ay sii laba jibaaran dadaalada ku aadan keenista ciidamadii nabad ilaalineed oo ay u balan qaadeen Soomaaliya.

 

Wakaalada wararka ENA ayaa ku warrantay in labada masuul ay si aad ah isula gorfeeyeen arrinta Soomaaliya oo wax badana ay iska la fahmeen.

 

Guddoomiyaha golaha amaanka iyo nabad geliyada Qaarada Afrika Mr Said Djinnit,ayaa isna u sheegay madaxweynaha Jamhuuriyada in ay wadaan qorshe deg deg ah oo looga gol leeyahay in lagusoo dhameystiro ciidamada nabada ilaalinaya ee loogu talagalay dalka Soomaaliya.

 

Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Adis Ababa waxaa lagu wadaa in maalmaha inasoo aadan ay ka sii socdaan kulamo kale oo dheeraada oo ay madaxda Afrikaanku halkaa ku yeelanayaan ka hor kulan madexeedka weyn ee hoggaamiye yaasha Afrika ay mar qura isugu imaan doonaan todobadka ina soo aadan.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@GMAILCOM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this