Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga talada haya ee Mozambique oo ku guulaystay doorasho dalkaas dhowaan ka dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharaxa xisbiga talada haya ee Mozambique, Daniel Chapo, ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday xilli ay mucaaradka ku andacoonayaan wax isdaba marini ay jirto.

Chapo, oo ka tirsan xisbiga Frelimo oo xukunka hayay ku dhawaad ​​nus qarni, ayaa helay in ka badan 70 boqolkiiba codadka, guddiga qaran ee doorashooyinka (CNE) ay saacado ka hor ku dhawaaqeen.

Waxa asaguna kaalinta labaad galay musharaxa madaxa banaan ee Venancio Mondlane oo helay in ka badan 20 boqolkiiba, halka musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Renamo, Ossufo Momade uu galay kaalinta saddexaad isaga oo helay in ka badan boqolkiiba shan, sida ay sheegtay CNE.

Natiijadii doorashadii dhacday 9-kii bishan Oktoobar ayaa ka dhigan in xisbiga talada haya ee Liberation of Mozambique, ama Frelimo, uu dalkaas sii hoggaamin doono 49 sano oo uu xukunka hayay ka dib.

Mozambique oo ah dal ku yaalla koonfurta Afrika ayaa madax-bannaanida  ka qaatay gumeystihii Boortaqiiska sannadkii 1975-kii, balse 2 sano ka dib waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatay oo socday muddo ku siman 15 sano, kaas oo dhex maray dowladda iyo jabhadii Renamo oo markii danbe isu badashay xisbiga ugu wayn mucaaradka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this