Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ka wada-hadlay Qorshaha kala guurka Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1729679622059.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Mudane Atul Khare.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta taageerada xagga amniga iyo farsamo ee Q.M. u fidiso dowladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, gaar ahaan qorshaha ciidanka amniga Soomaaliya kula wareegayaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo u diyaargarowga hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhowaynta Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, una rajeeyay in Soomaaliya ay gacan ka geysan karto nabadda iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ka wada-hadlay Qorshaha kala guurka Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this