Sign in to follow this  
SOO MAAL

Ra’iisal Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Dr Cali Maxamed Geeddi ayaa shir ka hadlay

Recommended Posts

SOO MAAL   

Dr.Geeddi: "Dowladdii Cabdiqaasim haddaan been la sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan xiriir dhow la sameysanaa. "

“Waa laga soo gudbay markey Soomaaliya ahayd Soomaaliweyn. Distoorka Ethiopia ayay ku taallaa in gobol kasta go’i karo markii afti laga qaado dadka ee ay ku codeeyaan inay go’aan, sidoo kale NFD waxay ku jiraan Baarlamaanka Kenya, Djibouti-na waa xor oo waa dowlad gaar u taagan, mar walbana Soomaaliya waa la shaqeynaysay gobolladaasâ€

 

 

Question To Gheedi:

1) IF Ethoipia destroyed Arta Government led by AbduQaasim Salad Hassan, Do we Somali people surrender to Ethoipia, and let Ethoipia to decide whatever it wants about Somalia?

2) If we abandoned Pan-Somalia (Somaliweyn), are we going back to colonial era, and colonial borders? Or we allowing every somali people/regoen self-determination, right to secede?

3) Why do we care Ethoipia’s constitution? Where is Somalia’s constitution? Are you saying Ethoipia’s constitution is answer to Somaliland’s quest for secession? After 15 years (1991) Since Ethoipian constitution was created, today where are the promises of Ethoipian constitution for people of western Somalia and other nation-states within Ethoipian like Oromo and Anfar? Does our Prime minister think that somali in Western Somalia and NFD gained their full freedoms and rights under african colonials of Ethoipia, and Kenya?

 

 

Posted to the Web Nov 18, 06:41

 

 

Ra’iisal Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Dr Cali Maxamed Geeddi ayaa caawa shir ballaaran la wadaagay xubno ka socay jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Britain, Belgium, Germany iyo Holland. Kulankan oo uu xiriirinayey Sayid Axmed Sheekh Daahir, Wasiirkii hore ee Maaliyadda, waxaa aayado Qur’aan ah ku furay Axmed Suleymaan Dafle oo ahaan jiray Madaxweyne ku-xigeen iyo Taliyaha ciidanka sirdoonka Soomaaliya.

 

Dafle ayaa aayadaha Qur’aanka kaddib, waxa uu ku bogaadiyey Dr Geeddi howlaha uu galay iyo najaxa uu kala kulmay, waxaana ku faraxsanahay ayuu yiri inuu Ra’iisal Wasaaruhu ka nabadgalay shirqool loo qoolay iyo dilkii lagu dili gaaray bomb-kii kula qarxay Muqdisho.

 

Wasiirka Maaliyadda Dr Saalim Caliyow Ibrow oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku dhiirri-geliyey jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Europe inay waddanka dejintiisa gacan ka geystaan, isagoo xusay in dareenka dadka dibadda ku nool uu muujinayo inay diyaar u yihiin inay mar uun arkaan Soomaaliya oo nabad noqota.

 

Dr Geeddi oo kaddib hadalku ku wareegay, waxa uu sheegay inuu noqday mas’uulkii labaad ee Africa ee ugu horreeyey ee loo shiriyo 25-ka dale ee ku jira Ururka Midowga Yurub.

Waxa uu carrabaabay in haddii wax badan dowlado la soo dhisay oo la tuuray ay arki jireen aan xukuumaddiisa la tuuri karin. Waxa uu ku soo celceliyey in dowladdu ay socon doonto feker kasta oo lagu kala duwan yahay.

Waxa uu yiri, “Danta aan annagu leennahay waa inaan taariikhda ku galno inaan nabadeynay dalka, ciddii muraad kale leh iyadey jirtaa, waan ka soo horjeednaa dagaal.â€

 

Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho ay kula dirirsan yihiin laaluush na sii. “Nimanka akhyaarta ah wixii ay rabaan haddaan u yeelayo ma dirirneen, gacanta ayay igula qabsan lahaayeen qalinka†ayuu yiri.

Dr Geeddi, waxa uu farta ku fiiqay in laga yaabo in dadku ay maqlaan mas’uul dowladeed oo leh yaan lacag la siin dowladda inta laga heshiinayo. Mas’uulka noocaas ah ayuu yiri waxaa shaki ku jiraa Soomaalinimadiisa. “Waxaan arki jirnay dad ku farxaya wixii la siiyo dalkooda, waxaan hadda aragnaa dad ka naxaya wixii dalka la siiyo†ayuu yiri.

 

Mar su’aalo is daba joog ah ay ka soo qayb galayaashu ka weydiiyeen arrinta caasimadnimada Muqdisho, waxa uu carrabka ku adkeeyey in Muqdisho tahay caasimaddii dalka, cid ka beddeli kartaana aysan jirin. Waxa uu dadka xusuusiyey in Jowhar tahay xarun ku meel gaar ah ee aan caasimadda loo rarin. Si kasta ha noqotee, waxa uu yiri, “Xukuumaddeydu waa ku dhiman lahayd Muqdisho haddaan geyn lahaa.â€

 

Murankii dhinaca baaritaanka shiidaalka ee dhinaca Puntland, waxa uu tilmaamay in dalka oo aan sharci laga sameyn aan hal gram oo kheyraadkiisa ah la soo bixin doonin. “Waan baahanahay baqtiga looma cuno, waan baahanahay kaalaya socon mayso. Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe. Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan, kumana xadgudbi karaan intaan noolnahay†ayuu yiri.

 

Dr Geeddi, waxa uu ku canaantay dowladaha Carabta inaysan wax kaalmo ah u fidin dowladdiisa. “Carabtii la lahaa iyagaa dad idiin xiga waxba nooma qaban, haddey Carabi dad wax u qabanaysana Palestine ayay wax u qaban lahayd†ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu eedeeyey hay’adaha gargaarka oo uu sheegay in 15-kii sano ee ugu dambeey ay ahaayeen dowladda keliya ee dalka ka jirta, sidaas darteedna aanay fududeyn sida wax looga qabto.

 

Isagoo la weydiiyey inuu aqoonsaday dowladda Somaliland, arrintaasna tahay mid uu dalka ku kala jarayo, waxa uu yiri “Cali Maxamed Geeddi ma kala goyn karo Soomaaliya xitaa hadduu isku dayo.â€

“Waa laga soo gudbay markey Soomaaliya ahayd Soomaaliweyn. Distoorka Ethiopia ayay ku taallaa in gobol kasta go’i karo markii afti laga qaado dadka ee ay ku codeeyaan inay go’aan, sidoo kale NFD waxay ku jiraan Baarlamaanka Kenya, Djibouti-na waa xor oo waa dowlad gaar u taagan, mar walbana Soomaaliya waa la shaqeynaysay gobolladaas†ayuu yiri.

 

Dowladda Ethiopia iyo kaalinta ay ku leedahay xukuumaddiisa oo dadku ay weydiiyeen, waxa uu yiri, “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.â€

Dr Geeddi oo ka jawaabayey, waxa uu ka yeelayo baaqii ka soo baxay hoggaamiyeyaasha Muqdisho ee ahaa inay si shuruud la’aan ah kula shirayaan garabka Jowhar, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in taasi ay muujinayso qof kasta oo aan xaq ku taagnayn inuu is beddelayo.

 

“Shisheeye ha idin dhex-dhexaadiyo yeeli maayo, gadaal u noqdana yeeli mayno, waxaan leennahay Gole Baarlamaan, isagaan ku wada hadlaynaa. UN-ku ha joogo iyo Ambassador Francois Fall ha joogo wax soconaya ma ahan. Ambassador Fall waxaa ku filan inaan iraahdo persona non garata†ayuu yiri.

 

Dr Geeddi, waxa uu sheegay in UN-ku ay u soo dirsadeen Soomaaliya nin tuugsanaya oo u tagaya wadammada Carabta oo leh “keena lacag anigaa Soomaaliya heshiisiinayee.â€

 

 

Sida dowladda loola xisaabtami karo haddii dhaqaale soo galo, waxa uu yiri, “Maxkamad igu saara haddaad aragtaan lacag la xadayo, jeeb dheer oo lacagtu aysan ka soo bixi karin ma qabo anigu.â€

 

Dr Geeddi oo la weydiiyey sida ay u wada shaqeeyaan dowladda iyo saxaafadda gudaha, waxa uu shaaca ka qaaday in raadiye Muqdisho uusan jirin oo ay jiraan FM-yo buu yiri ay leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado waxay rabaan sheega, “waxaana ayba noqdeen aalado loo isticmaalo burburka xukuumadda†ayuu yiri.

 

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

Email: Ingiriis@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this