Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa Madaxweynaha Turkiga uga tacsiyeeyay Weerarkii Xarunta Warshadaha Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   
HSM-Turkey-Visit.png?resize=800%2C531&ss

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa Madaxweynaha Turkiga uga tacsiyeeyay Weerarkii Xarunta Warshadaha Ankara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this