Shirwac Posted November 6, 2005 Midnimo Information Center mic 06 - 11 - 2005 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo Canshuur ku soo Rogay Masaajidyada Gobolka Shabeelaha Hoose Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maamulka horseedka ka yahay Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) uu canshuur ku soo rogey Masaajidyada ku yaala magaalada Marka sida ay sheegayan Ilo muhiimah oo ku sugan Marka. Kulan ka dhacey Masjid ku yaal Marka ayaa waxaa lagu wargaliyey hawlwadeenada masaajidyada inay bixiyaan lacag canshuur ka gadaal markii la sheegay in Masaajida qaarkood ay leeyihiin ceelal biyood ay ka ganacsadaan biyaha oo lacag ka soo gasho. Hawlwadeenada maasijyada magaalada Marka ayaa si adag gaashaanka ugu daruuurey inay bixiyaan lacagtaas iyagoo taasi sabab uga dhigey lacagaha ka soo gala ceelasha biyaha ee masaajidda ku dhex yaal oo ay sheegeen inay ku dabaraan hawlaha adeega Masaajidyada. Maamulka Indha Cadde tallaabada uu qaaday ayaa dad badan waxay ku tilmaameen wax lala yaabo oo ku cusub dadka Soomaaliyed iyo madaxda kooxaha Siyaasadda ee dalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites