Deeq A. Posted October 23, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha shacabka. Ugu horeyn Hab-dhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee golaha Wasiiradda. Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa. Heshiiska ayaa ogolaatay oo u codeeyat 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, halka ay saddex Xildhibaanna ka aamustay. Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa u codeeyay hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga Soomaaliyeed. Sharcigan ayaa waxaa ogolaatay 140-Xildhibaan oo u codeeyay, halka uu hal Xildhibaan diiday, waxaana ka aamustay laba Xildhibaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahad-celiyay ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga Soomaaliyeed.The post Xildhibaannada BF oo maanta ansixiyay heshiiska… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites