Sign in to follow this  
Deeq A.

Antony Blinken oo markii 11-aad booqanaya Israa’iil tan iyo intii uu bilowday dagaalka marinka GAZA

Recommended Posts

Deeq A.   
1a6decf1-e26a-4b05-8add-2d832fde6ab4_w40

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah gaaray Israa’iil, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Gaza, kaddib dilka hogaamiyihi Xamaas Yaxya Sinwaar.

Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii kow iyo tobnaan ee uu ku tagayo Israa’iil, tan iyo marki ay billaabatay colaaddka Israa’iil iyo Xamaas todobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Isra’iil, taasoo kicisay duullaanka wali socda ee ay Israa’iil ka waddo Gaza iyo Lubnan.

Israa’iil ayaa sii xoojisay duqeymaha ay ka waddo Gaza iyo Beyrut todobaadyadi u danbeeyay, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka labada dhinac ay sheegeen in la dilay boqollaal qof.

Qorshaha socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe oo qaadan doono hal todobaad ayaa waxaa qeyb ka ah, safar uu maalinta Arbacada berrito ah isugu mari doono Urdun iyo Qatar.

PUNTLAND POST

The post Antony Blinken oo markii 11-aad booqanaya Israa’iil tan iyo intii uu bilowday dagaalka marinka GAZA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this