General Duke Posted October 27, 2007 Magaalada Garoowe oo uu saameyey qaxii ka dhacay magaalada Laascaanood L/caanood (WNT)-Waxaa ilaa markii ay magaalada Laascaanood soo galeen ciidamada Soomaaliland oo ay garwadeen u ahaayeen malayshiyaad gobolka u dhashay ka qaxayey magaalada guud ahaan dadka u dhashay magaalada Laascaanood iyagoo caruurtooda iyo haweenka ka fogayana dagaal la filayo inuu ka dhaco magaalada Laascaanood. Meelo badan ayaa ay dadku uga kala qaxeen magaalada sida dhinaca Hawdka ah iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada , waxaa kaloo ay dadku u qaxeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Garoowe,Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana ugu badan hadda marka la,eego magaalooyinkaas dadka ugu badan sugan yihiin magaalada Garoowe oo iyadu masaafo ahaan ugu dhaw magaalada Laascaanood. Marka laga reebo dadka maatada ah ee dagaalka ka soo qaxay ayaysan iyana meesha ka maqayn guud ahaan dad aqoota leh sida weriyeyaasha Dhaqaatiirta iyo weliba garancsatada kuwaasi oo ka hawl geli jiray magaalada Laascaanood oo iyana hadda ku suggan magaalada Garoowe. Waxaa la soo xiray xarumo caafimaad oo si gaar ah loo lahaa oo ku olaa magaalada Laascaanood nin Dr oo ka hawl geli jiray magaalada Laascaanood oo sheegay inuu halkaas isaga soo tegay isoo ka cabsaday in isaga iyo qalabkiisaba ay dhib u gaysrtaan kooxaha soo duulay. Dhinaca kale weli ma jiraan hay’ado ama ururo weli isu xilqaamay inay gacan u fidiyaan dadka qaxay magaalada Laascaanood ee tegay tuulooyinka ku xeeran magaalada Laascaanood. Sikastaba ha,ahaatee guuritaanka ganacstada ayaa kadamaysay kadib markii la helay warar tilmaamaya in kooxda maamulka Hargeysa ay dhawrka cisho ee fooda inagu soo haya ay magaalada ka fulin doonan hawl gal ay ku soo qaba qaban doonan dad fara badan isla markana ay u dhaa dhicin doonan jeelasha Burco iyo Mandheera ,Waxana wararku intaa raacinayaan in wadooyinku ay gebi ahaanba xidhan yihiin isla markana lagu gooyay baabuur iyo taayiro dhagxaan hor leh oo magaalada aysan ka jirin dhaq dhaqaaq ganacsi oo la sheegi karo. C/qaadir Nuur Cilmi (Koor) Waayaha.net,Garoowe,Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites