Deeq A. Posted October 22 Laba sarkaal oo ka tirsan Xamaas ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhowaan dooranayaan qofka beddeli doona hoggaamiyaha kooxda Yahya Sinwar, kaas oo dilkiisa la xaqiijiyay Khamiistii. Saraakiisha ayaa sheegay in Khalil al-Hayya, ku xigeenka Sinwar iyo sarkaalka ugu sareeya kooxda ee ka baxsan Gaza, loo arko inuu yahay musharaxa loo badinayo in booskaasi uu buuxiyo. Al-Hayya, oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa hadda hoggaaminaya wafdiga Xamaas ee wadahadallada xabbad-joojinta ah ee u dhexeeya kooxda iyo Israa’iil, wuxuuna aqoon, xidhiidh iyo faham qoto dheer u leeyahay xaaladda Gaza. Isniintii, sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in dhaqdhaqaaqa ay u badan tahay inuu qariyo aqoonsiga hoggaamiyahooda cusub sababo amni dartood. Dhaqdhaqaaqa ayaa sidan oo kale sameeyay sanadkii 2003-dii ka dib markii Israel ay dishay hogaamiyihii Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin iyo tii dhaxal sugaha, Dr Abdel Aziz al-Rantisi. Xamaas ayaa ku tala jirta in ay doorato hogaamiye cusub bisha Maarso ee sanadka soo socda balse ilaa iyo waqtigaas waxaa maamuli doona gudi ka kooban 5 xubnood. Guddigan ayaa ka koobnaan doona Khalil al-Hayya, Khaled Meshaal, Zaher Jabarin, Muxammad Darwish, madaxa golaha shuurada iyo shaqsiga shanaad oo aan wali la shaacin aqoonsigiisa. Sarkaalku waxa uu tilmaamay in Khaliil al-Hayya uu la wareegay mas’uuliyadda inta badan siyaasadda arrimaha dibadda marka laga soo tago kormeerkiisa tooska ah ee arrimaha la xiriira Qaza oo uu si hufan u yahay ku-simaha madaxa dhaqdhaqaaqa. Sarlaalka ayaa intaa ku daray in Xamaas ay la yaabtay qaabka loo dilay Yahya Sinwar todobaadkii hore maadaama ay fahansan yihiin in xiliga la dilayay uu ku sugnaa meel aad u amaan badan. Geerida Sinwar ayaa timid labo bilood un kadib markii magaalada Tehran lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyeh. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa ku tilmaamay Sinwar inuu ahaa naqshadeeyihii weeraradii 7-dii October, isagoo ku nuux-nuuxsaday in magacaabistiisa looga dan lahaa fariin geesinimo leh oo ka dhan ah Israa’iil. Tan iyo bishii Luulyo, wada xaajoodyadii xabbad joojinta ayaa hakad galay, waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in hoggaanka Sinwar uu caqabad weyn ku ahaa heshiis kasta oo xabbad joojin ah. Inkastoo la dilay Sinwar, haddana sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in aysan waxba iska beddelin shuruudihii xarakadu ku ogolaan lahayn xabbad-joojin iyo sii daynta la haystayaasha Israa’iil. Xamaas ayaa wali sii wada dalabka ah in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Gaza, in la joojiyo colaada, wareejinta gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib u dhiska dhulka dagaaladu aafeeyeen – shuruudo ay Israa’iil si cad u diiday, kuna adkaysatay inay Xamaas is dhiibto. Mar wax laga weydiiyay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku baaqaya in Xamaas ay hubka dhigto oo ay is dhiibto, mas’uuliyiin ka tirsan dhaqdhaqaaqa ayaa ku jawaabay: “Suurtagal maaha inaan is dhiibno. “Waxaan u dagaalamaynaa xorriyadda dadkayaga, mana aqbali doono in la is dhiibo, waan dagaalami doonnaa ilaa inta aan ridi karno xabadda ugu dambeysa iyo askariga ugu dambeeya ayna nafta ku jirto, si la mid ah Sinwar.” Dilkii Sinwar wuxuu ahaa mid ka mid ah khasaarihii ugu waaweynaa ee soo gaaray ururka muddo tobanaan sano ah. Israa’iil ayaa dishay inta badan hoggaamiyayaasha iyo aasaasayaasha Xamaas, haddana xarakadu waxa ay muujisay adkaysi ay u leedahay in ay hesho kuwo cusub. Iyadoo ay xiisadan jirto, ayaa su’aalo la iska weydiinayaa masiirka la haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Gaza iyo cidda mas’uul ka noqon doonta ammaankooda iyo ilaalintooda. Isniintii sarkaalka Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in kooxdu ay wali awood u leedahay in ay sii hayso dadkii ay ka soo qafaasheen gudaha Israa’. Xaaladdan oo kale, Maxammed Sinwar, Yahya Sinwar walaalkii, ayaa noqday qof muhiim ah. Waxaa la rumeysan yahay in uu hogaaminaayo kooxaha hubeysan ee Xamaas, waxaana laga yaabaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro qaabeynta mustaqbalka dhaqdhaqaaqa Gaza. Source Share this post Link to post Share on other sites