Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada-hadlay adkaynta Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1729515349208.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku guda jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo qaar ka mid ah waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray adkaynta nabadda iyo amniga gobolka, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dal, iyo ilaalinta gobannimada dalalka gobolka. Waxay si wadajir ah u soo dhoweeyeen aasaaska howlgalka cusub ee taageerada xasilloonida Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaasoo baddali doona hawlgalkii hore ee ATMIS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada walaalnimo ee joogtada ah ee ay ku bixiyaan amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan naf-hurnimada ciidamada Hiil Walaal ee ka barbar dagaalama ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo halyeeyada difaaca shacabka ee ku guda jira howlgalka ciribtirka kooxaha Argagixidada ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa adkeeyay in Jabuuti ay labanlaabi doonto taageeradeeda nabadda, dowlad-dhiska iyo difaaca qarannimada Soomaaliyeed, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu noqondoono kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjari lahaa qatarta argagixisada gobolka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada-hadlay adkaynta Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this