Deeq A. Posted October 21 Addis Ababa,(Qaran news)- Dab xooggan ayaa ka kacay xaafadda Shema Tera ee magaalada Merkato ee magaalada Addis Ababa, kaasoo geystay khasaare baaxad leh oo soo gaaray dhismayaal. Wararka ayaa sheegaya in dabka uu si xowli ah u sii fidayo, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo. Hadal qoraal ah oo ay soo saartay maayarka Addis Abeba Adanech Abebe ayay ku sheegtay inay aad uga xun tahay, waxayna tidhi, “Aad baan uga xunahay burburka hantiyeed ee dhacay. Sidoo kale waxa ay xustay in iyada oo ay socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu xakameeyo dabkaasi, hadana ay jiraan gurmadyo adag oo ay sameeyeen wadooyinka oo cidhiidhi ah, taasi oo keentay in gaadiidka dabdamiska ay ku adkaadaan in ay goobtaasi maraan. Duqa magaalada Adanech ayaa intaa ku daray in mas’uuliyiintu ay ka fiirsanayaan adeegsiga diyaaradaha qumaatiga u kaca si ay gacan uga geystaan dadaallada dab-damiska. Waxayna ku boorisay dhammaan dadka ku lugta leh inay xoojiyaan dadaalkooda si looga hortago burbur kale. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites