Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta Shir ka yeelanaya Arrimaha Gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   
408559723_781504107354064_67719939846212

Madaxweynaha dowladda Federaalka SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud iyo walefdi uu hogaaminaayo ayaa xalay u hoyda magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaasi Jabuuti.

Wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxa xalay garoonka diyaaraha Jabuuti ku soo dhaweeyay  Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Xukuumadda dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu Maanta shir la yeesho Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle islamarkaana ay ka wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale socdaalkiisa Gobolka ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo Nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya waxaana uu kala soo hadlay qorshaha kala guurka ATMIS.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta Shir ka yeelanaya Arrimaha Gobolka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this