Sign in to follow this  
General Duke

Construction on Bossaso airport begins..

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo saaka dhagax dhigay Airporka Bosaso International

 

airporka_bosaaso20_dhagax.JPG

 

Bosaso :- Munaasabad saaka ka dhacday Airporka Bander Qasim ee Bosaaso ayaa waxaa markii ugu horeysay lagu dhagax dhigay dhismaha Airpor Caalami ah oo halkaasi laga dhisayo.

 

Dhagax uu saaka dhigay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in si rasmi ah loo bilaabay dhismaha caalamiga ah ee Airporka Bosaaso.

 

Munaasabada dhagax dhiga ayey kasoo qeyb galeen dadweyne aad u badan oo kumanaan ah kuwaasi oo si weyn u xiiseenayey in ay la socdaan dhacdadan muhiimka u ah magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 

Waxaa sidoo kale goobta dhagax dhiga ka muuqday ganacsatada waaweyn ee Puntland iyo Wasiirada maamulka Puntland oo aan dhamaantood u kala harin munaasabadan.

 

Dhagax dhigan ayaa ka danbeeyey kadib markii ay xalay kulan ku yeesheen magaalada Bosaaso Xukuumada Puntland iyo ganacsatada oo ku heshiiyey in ay wada dhisaan Airporka cusub.

 

Dhismaha Airporka Bosaaso ayaa lagu sheegay inuu u kala bixi doono qeybo kala gedisan oo isugu jira dhismahah xafiisyada iyo hoolasha, iyo dhismaha RUNWAY ama wadada ay dayuuradaha kusoo degaan iyo waliba qalabeynta Airporka.

 

Dhismahan ayaa loo qoondeeyey lacag gaareysa 6 Milyan oo Dollar ah mid uu maamulka iyo ururada ganacsatada wada qeyb sanayaan.

 

Kulankii xalay ka dhacay Hotel Panorama oo ay isugu yimaadeen Dowlada iyo Ganacsatada ayey uga wada munaaqashoodeen sida ay u kala qeybsanayaan dhismaha.

 

Dhagax dhiga maanta ayaa ah mid si weyn looga hadal hayo Bosaaso iyo guud ahaan Puntland ayadoo ay tahay mashruucii ugu horeeyey oo noociisa oo uu filiyo maamulka Puntland tan iyo intii la dhisay 1998dii.

 

Airporka Bosaaso ayaa horey loo qorsheeyey mashruuc dhismo ah oo ay ugu deeqeen Dowlada Emaaraadka balse mashruucaasi ayaa fashilay kadib markii uu khilaaf soo dhexgalay Dowlada Puntland iyo hay'adihii mashruuca waday oo loo diiday in ay u madax banaanaadaan maareynta kharashka ku baxaya dhismahaasi.

 

Airporka Bosaaso oo ah kan ugu weyn Puntland ayaan laheyn wax dhismo caalami ah ayadoo ay dadka intiisa badan ay ku faraxsan yihiin horumarkan la gaaray.

 

Dhismaha Airporka ayaa socon doona muddo 10 bilood ah.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa intaa kadib socdaal ku tagay xarumaha ciidamada ee magaalada Bosaaso oo uu kormeerayo inta uu ku sugan yahay magaalada.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada Puntland iyo Maamulka oo sheegay in si wadajir ah u dhisi doonaan Airporka Bosaaso oo loo qoondeeyey $6.000.000 (lix milyan oo dollar)

 

Bosaso :- Kulan ay xalay isugu yimaadeen ganacsatada Puntland iyo maamulka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa wadashaqeynta ganacsatada iyo Dowlada Puntland ayadoo kulankaasi uu kasoo qeyb galay Madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cadde Musse).

 

Kulankan oo si weyn loo soo diyaariyey ayaa waxaa daadihinayey madaxda rugta ganacsiga Puntland ee magaalada Bosaaso.

 

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Panoramo ee magaalada Bosaaso ayaa waxaa kasoo qeyb galay ururada Ganacsatada Puntland iyo Wasiirada ka kala socda Wasaaradaha, Kaluumeysiga, Ganacsiga, Maaliyada iyo madax kale oo badan.

 

Qodobada looga hadlayey kulankan ayaa ahaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiis horey u dhexmaray ganacsatada Puntland iyo Maamlka.

 

Heshiiskan oo laga soo bilaabay kulan khaas ah oo ay ganacsatada iyo Madaxweynaha Puntland ku yeesheen magaalada Bosaaso horaantii sanadkan ayaa waxaa hada la sheegay in si dhab ah loo bilaabi doono wada shaqeynta Dowlada iyo Ganacsatada.

 

Ururada Ganacsatada Puntland oo dhawaan la hirgeliyey ayaa xalay dowlada Puntland kala hadlay wadashaqeyntooda ugu horeyso oo uu kamid noqon doono dhismaha Aiporka Bosaaso oo loo qoondeeyey in uu ku kici doono 6 lix milyan oo dollarka Maraykanka ah.

 

Lacagtan ayaa la sheegay in ay u qoodeesay dowlada Puntland ayadoo la sheegay in ganacsataduna ay kala qeyb qaadan doonaan hirgelinta mashruucan balaaran.

 

Airporka Bosaaso ayaa la sheegay in la bilaabi doono dhismihiisa dhawaan wuxuuna socon doonaa muddo sanad ku dhow (10 bilood).

 

Madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ganacsatada ay noqon doonaan kuwo si siman ulla shaqeeya dowlada isla markaana aan lagu faro gelin doonin kharashka ay ugu deeqaan dhismaha.

 

Ganacsatada Puntland ayaa loo furi doonaan Account u gaar ah oo ay ayagu ku maamulaan qeybta lacagta oo ay ugu deeqaan Dhismaha Airporka.

 

Kulankan oo ahaa mid si wanaagsan ku dhamaaday ayaa waxaa ka muuqday yidiilo sare oo muujineysa sida ay isugu soo dhawaadeen ganacsatada Puntland iyo dowlada.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay si wada jir ah wax u wada qabtaan maamulka iyo ganacsatada, ayadoo ay sheegeen in ay sidoo kale ka qeyb qaadan doonaan dhismayaasha xarumaha bulshada ee deegaanada Puntland.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Dhismaha Garoonka Badarqaasim oo Madaxweynaha Puntland dhagax dhigay

- Saturday, April 02, 2005 at 12:57

 

Boosaaso (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Mud: Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa maanta dhagax dhigay Gagida diyaaradaha ee Bandraqaasim ee magaalada Boosaaso halkaasi oo maanta lagu bilaabay dayactir ballaaran.

 

Munaasabadda dhagax dhigga oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa halkaasi hadal kajeediyay madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaraha ee Boosaaso in badanba dayactirkiisa la sugayay ayna muhiim u tahay Puntland oo dhan maadaama ay tahay magaalada ganacsiga Puntland.

 

Madaxwaynuhu wuxuu xusay in Dayactirka garoomada diyaaraduhu ay sii socon doonaan dayactirna lagu samayn doono garoomada kale ee Puntland ee dayactirka u baahan.

 

Wasiir kuxigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland Yaasiin Cartan Maxamed oo asaguna halkaasi kahadlay ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu in muddo ahba ahaa mid dayacan isla markaana marka uu roobku ku do'o aysan diyaaraduhu haba yaraatee ku dagan karin.

 

Wuxuu kaloo xaqiijiyay in Garoonka diyaaraha ee Boosaaso laga dhigi doono mid dhammaantiis wada ah Laami oo ay Diyaaraduhu xilli walba ku dagi karaan kana duuli karaan, waxaa kaloo lagu samaynayaa ballaarin .

 

Ganacsatada waawayn ee gobolka Bari ayaa sheegtay inay qayb ka qaadanasyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo lasheegay in kharash aad ubadan uu ku baxay dhismihiisa

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo ku yaalla meel xoogaa ka durugsan magaalada Boosaaso kagana beegan dhinaca qorax udhaca ayaa ahaa garoon diyaaradeed oo ah dhul bannaan oo aan haba yaraatee garoon diyaaradeed ee gobol aan u ekayn .

 

Ganacsatada iyo shacabka Boosaasona waxay soo dhaweeyeen in dayactir lagu sameeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

its long overdue, they had to have begun long time ago. wel good news anyway. i read in sbc the construction will have 3 phases:

-the runway

-the offices (terminal, airport offices etcetera)

-furniture

even the world bank is involved so this shit is serious as hell. and 6 million is a lot of money, esp in somalia.

 

here the report of the meeting in panorama hotel (wich aint a surprise cuz the owner of this hotel is the owner of damal airlines that earns most of its money in boosaaso n hargeysa airports).....

 

source= http://www.sbconline.net/news.php?page=newspage&id=3820

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this