Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi kama hadlin Sawiradda Kaah Iyo Waddani ee Lagu jeex jeexay Jigjiga yar Se Waxa uu Soo qabtay kuwii Masalaha ku jar jaray sawirka Waddani

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta khudbadii uu madaxweyne Muuse Biixi uu jeediyay waxa uu aad ugu dheeraaday oo uu ka hadlay dad jarjara ama waxyeelo u geysta Boodhadhka ay ku yaalaan sawiradda musharaxiinta u tartamaaya doorashooyinka.

Madaxweynahu waxa uu danbi ku tilmaamay in la jar jaro sawirada ama calaamadaha xisbiyadda, iyada oo taasi laga duulaayo waxa uu Muuse Biixi sheegay in xukuumadiisu ay dhawaan qabatay dhalinyaro xaafadda Masalaha ku jarjaray sawiro gidaar ku dhajisan oo xisbiga WaJ3igjigo yarddani uu leeyahay, waxana uu madaxweynuhu uu sheegay in ciidammada boolisku ay soo qabteen oo la xukumay iyada oo midkiiba loo jaray sanad iyo shanbilood oo xadhig ah.

Hadaba waxa yaab leh sababta wax looga qabanwaayay taageerayaasha Kulmiye ee dhibka u gaysta ee jeex jeexay calaamadaha Xisbiga WADDANI iyo ururka Kaah ee xaafadaha Jigjigo-yar iyo 26ka Juun.
img_1_1729450215567.webp
Waa maxay sababta loo soo qaban waayay dadka jar jaray sawirada musharixiinta ururka Kaah, se muxuu Muuse Biixi uu uga hadliwaayay kuwa lagu jar jaraayo goob aan gurigiisa ka fogayn ee uu u carabaabay waxa Masalaha ka dhacay?

Waxa jira dhibaato Jigjigayar loogu gaystay xafiis uu xisbiga Waddani uu ku leeyahay halkaasi oo xataa inta la jabsaday agabkii yaalay la qaatay arinkaasi oo xataa saxaafadda galay madaxweynuhu muu soo qaadin cidna umuu qaban

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this