Sign in to follow this  
General Duke

Its a new dawn in Somalia ;Mogadishu the world support the new president

Recommended Posts

Balanqaad Taageero Ah Oo Dawlada Loogu Yaboohay

 

Maanta ayaa sidii la filayey waxaa ka dhacay Nairobi xafladii dhaarinta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota. Hadaba sidee ayey xafladdu u dhacday? yaa ka hadlay? maxaase ugu muhimsanaa erayadii halkaa laga yiri? maxaase laga aqrisan karaa?

 

 

Xafladda maanta ayaa lagu billaabay aayado quraan ah oo uu aqriyey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ku meel gaarka ah, ka dibna waxaa xigay duco uu halkaasi ka jeediyey wadaad masiixi ah oo ka socday Kaniisada aKenya.

 

Waxaa la dhaariyey madaxweynaha la doortay Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la soo bandhigay ciyaaro dhaqameed Kenyaan ah iyo heeso Soomaali ah iyo buraanbur ay halkaasi ka jeedisay Marwo Maryam Jeceyl.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa intaa xigay erayadii ay halkaasi ka jeediyeen marti sharaftii kasoo qayb galay xafladda dhaariinta oo ay ugu horreeyeen madaxweynayaasha halkaasi joogay, waxaana hadalkoodu u kala horreeyey sidan

 

 

Madaxweynaha Kenya, Ugandha ahna madaxa IGAD, Nayjeeriya ahna madaxa Midawga Afrika, ka dib waxaa xigay madaxweynayaasha Ruwanda, Burundi, Tansaaniya, Yemen, Jabuuti. Madaxweynayaasha ka dib ayaa hadalkii la siiyey madaxweyne ku xigeenka koonfur Afrika iyo kan Suudaan.

 

Waxaa xigsaday Wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Ereteraya, iyadoo ka dibna hadalkii la siiyay xoghayaha Jaamacadda Carabta Camar Musaa, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Saxnuuni iyo safiirka Talyaaniga iyo wasiirad ka socotay dalka Norway.

 

 

Madaxdan oo dhammaantood taageero u muujiyey madaxweynaha iyo dawladda u curatay shacabka Soomaaliyeed ayaa ku kala duwanaa habka hadalka.

Inta badan hadalkoodu wuxuu ahaa mid rasmi ama foormal ah.

 

waxaase ay qiiro ka muuqatay hadalkii madaxweynaha Uganda Yoweri museveni oo Soomaalida iyo Afrikaankaba xasuusiyey inaan aduunku maalin kiliya ahayn ee ninkii fursaddani dhaafto ay soo mari doonto mid kale, haatanna ay tahay in laga wada shaqeeyo maslaxadda qaran, wax walbana laga hormariyo,isagoo beesha caalamkana ugu baaqay in ay kaalmeeyaan Soomalida.

 

Haddii taa la waayana ay Afrikaanku waxoogaa lacaga u huri doonaan Soomalida, wuxuuna adeegsaday erayga saldhig oo uu ula jeeday in loo saldhigo dawladda oo salladda salkeeda ka dib wareegeeda la dhammaystiro.

 

 

Sidoo kale ayaa hadalka madaxweynaha Nayjeeriya iyo ku xigeenta K. Afrika ay ka muuqatay xamaas Afrikaannimo iyo in maanta ay tani tusaale ka tahay sida Afrikaanku ay xal ay leeyihiin ugu heli karaan mushaakilkooda taasoo Soomaalida saaraysa xil ah in aysan dhayalsan miraha shirkan oo ay Afrikaankiiba ku faanayaan inay tahay xal uusan gumaystihii hore lug ku lahayn.

 

 

 

Halka ay madaxda Afrikaanku xoogga saarayeen Afrikaanaynta arrinta

Soomaalida oo aysanna badankoodu soo qaadin kaalinta Jaamacadda Carabta ayaa madaxda carabta ee halkaasi ka hadashay ay xoogga saarayeen kaalinta iyo walaalnimada saaran shacabka iyo dawladaha carbeed oo uu Camra Muuse sheegay inay jirto lacag iyo miisaaniyad haatanba diyaar ah oo lagu kabayo dawladda Soomaaliya isagoo isku dayeyna inuu erayo Soomali ah ku hadlo sida Soon wanaagsan oo kale..

 

 

Waxaa iyana xamaas ka muuqday hadalkii ay halkaasi kajeedisay wasiirad ka socotay dalka Norway oo sheegtay inaysan tii Carte kaalmaynin balse ay tan si xooggan u kaalmayn doonaan, Ra'iisul wasaaraha dalkeeduna uu horey ula kulmay madaxweynaha la doortay laba maalin ka hor mar uu dalka Kenya booqasho ku yimid.

 

 

Soomaali badan oo Kenya ku sugan ayaa iyana halkaasi joogtay oo ay raynrayn iyo farxadi ka muuqatay, iyagoo weliba sacab iyo sara kicis ku soo dhawaynayey madaxda halkaasi ka hadashay, gaar ahaanna kuwa hadalkoodu ku socday sida Madaxweynaha Yaman, Uganda, Nayjeeriya, Jabuuti, ku xigeenka Suudaan iyo wasiiraddi u hadashay Norway. waxaa kaloo ay sii qiiro ku jirto uga fal ceilyeen khudbadihii C/qaasim iyo C/llaahi yusuf.

 

 

Waxaa markii hadalkii Martida dhammaaday kalimadda lagu soo wareejiyey madaxweynihii hore ee TNG-da C/qaasim Salaad Xasan oo isna sheegay inuu soo dhaweyno natiijadii tartanka iyo madaxweynaha cusub ee la doortay, wuxuuna sheegay in dawladdiisii ay ka socon waysay taageera la'aanta beesha caalamka, tanina aysan soconayn haddii aysan taageeradaa helin, wuxuuna ugu baaqay kooxaha hubaysan inay hubka dhigaan, dawladdana la shaqeeyaan, isagoo ugu danbaynna ugu dardaarmay Madaxweynaha cusub inuu ka shaaqeeyo dib u heshiisiinta Soomaalida.

 

 

Gebagabadii waxaa lagu soo dhaweeyey hadalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isagu u mahad celiyey madaxdii shirkaasi kasoo qayb gashay iyo dawladihii iyo shakhsiyaadkii kaalinta ka qaatay ka miro-dhalinta shirkaasi.

 

 

Wuxuu sheegay C/llaahi inuusan xantiisa moogayn oo nin dagaal lagu sheego, balse maanta ka dib uu nin nabadeed noqonayo. In yar ka dibba wuxuu madaxweynuhu sheegay inay jiraan kuwa fidnawadayaal ah oo uu ka codsanayo inay dhibka shacabka ka daayaan, haddii ay ka joogi waayaanna la iska qaban doono, taasoo aad mooddo inuu kulminayo dejinta dadka ka walaacsan dagaalyahanimadiisa iyo u cagajuglaynta kuwa laga cabsi qabo inay ka horyimaadaan xukuumaddiisa.

 

Intaa ka dib wuxuu ka codsaday IGAD iyo beesha caalamka in ciidamo la keeno dalka si maleeshiyada hubka looga dhigo.

 

Waxaa kaloo madaxweynuhu ka hadlay arrinta Somaliland oo uu sheegay in markii uu xukuumaddiisa dhiso uu wada hadal la geli doono reer Somali land, xaaraamna ay tahay in dagaal lagu dayo xal u helidda khilaafkaa, isagoo hoostana ka xarriiqay in midnimada Soomalidu muqaddas tahay. ugu danbayn wuxuu shacabka u rajeeyey soom wanaagsan maadaama ay berri oo Jimco ah ay bishii Ramadan billaabanayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbaxyada lagu taageerayo madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo si weyn isu soo taraya magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Muqdisho

 

 

Waxaa isa soo taraya banaanbaxyada lagu taageerayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo si weyn uga soconaya gudaha Soomaaliya waxaana banaabaxyadaasi ay dadku ku muujinayaan sida ay uga goan tahay taageerida dowladda cusub ee dhowaan lagaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Dadka Soomaaliyeed oo muddo 14-sano ah ay ka maqneyd dowlad ay u dhan yihiin ayaa waxay sheegeen in dowladdani ay ka duwan tahay kuwii hore, isla markaana ay ka qeyb galeen qabqablayaasha dagaalka ee awal iska soo horjeeday hogaanka dalka..

 

Meelaha ugu xoogan ee ay banaabaxaydu ka dheceen waxaa ka mid ah Puntland, gobolada dhexe iyo K/Soomaaliya, wallow labo jeer ay baaqatay banaabax lagu taageeri lahaa doorashada madaxweynaha cusub C/llaahi Yuusuf oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.

 

90% Soomaalida ku nool gudaha Soomaaliya aad bey u soo dhoweeyeen dowladda cusub ee ka dhalatay shirkii muddada dheer socday ee Kenya, waxeyna sheegeen 5-ta sano ee soo socota inay uga duwanaan doonto sanadihii ka horeeyay ayna ka filayaan dowladan cusub soo celinta ammaanka iyo dib u howl gelinta heyadihii dowlada ee ku burburay dagaalada sokeeye.

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bannaanbax ballaaran oo ka dhacay gobolka Sanaag

 

Badhan - 14.October.2004 Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo dhaarinta maanta loo dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhacday magaalooyin ka mid ah gobolka Sanaag.

 

Kumannaan dad ah ayaa isugu soo baxay maanta waddooyinka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaas oo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin dawladda cusub federaalka Soomaaliya, ee maanta madaxweyneheedii lagu dhaariyey magaalada garoonka Kazarani ee magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

 

Dibadbaxan ayaa waxaa isku soo dubba ridey soona abaabuley, guddoomiyaha gobolka Sanaag, Md. Maxamuud Siciid Nuur, iyadoo sidoo kale mas'uuliyiinta halkaasi ka hadashay uu ka mid ahaa; Guddoomiyaha degmada Badhan, Maxamed Axmed Cismaan (Bulbul).

 

Waxaa halkaasi ka soo jeediyey ereyo waano duco iyo waddaniyad xambaarsan, duqeyda iyo waxgaradka degmada Badhan.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Md. Maxamuud Siciid Nuur, waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyo Madaxweynaha Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi.

 

Dhinaca kale, isu soo bax ballaaran oo isna taageero ahaa ayaa waxaa laga oogey degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo isu soo baxayaashii ay halkaasi ku soo bandhigeen ciyaaro xagga hiddaha iyo dhaqanka ah iyo fardo aad u fara badan iyo gaadiid kale oo iyana qayb ka ahaa damashaadyada.

 

Isu soo bixii demgada Dhahar ee maanta ayaa waxaa ka hadlay duqii hore ee degmada Dhahar, Siciid Xasan Yuusuf, halkaas oo uu ka soo jeediyey ereyo wax ku ool ah oo ku aadan waaga cusub ee Soomaalida u beryey.

 

Maxamuud Faarax Bile

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this