Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Burundi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo Dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha  Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta,  ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this