Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa aannu ogaannay in la soo abaabulay koox sida lacago ay kaadhadhka cod bixinta kaga iibsanayaan, dadka isbeddelka u codaynaya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxahaas waxa si gaar ah loogu soo diray degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Gacan Libaax, A. Macallin Haaruun, iyo Axmed Dhagax, waxa aanay qofka u sheegayaan in lacagta uu qaato, kaadhkiisana ay ka haynayaan inta la dhaafayo maalinta cod bixinta.

Dadka degmooyinkan waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa in ay fiirogaar ah u yeeshaan kana hortagaan dadkaas lacagaha sita oo qaarkood ay garan doonaan, si aynnu dhalinyaradeenna uga wacyigelinno in hunguri lagu iibsado mustaqbalkooda oo dhan.

Arrintaasi waxa ay khatar ku tahay nidaamka doorashada, iyo nabadgelyada, waxaana aannu soo bandhigi doonnaa dadkaas ku lug leh oo aannu ku dabajirno dhammaystirka magacyadooda …” Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this