Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka LUUQ + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1729349157201.jpg?fit=1080%2C718&

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo xiray shirweynaha dib u heshiisiinta beelo dhawaan ku dagaalamay Degmada Luuq.

Shirkan oo muddo ka socday Aqalka Martida ee madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa colaadda uu dhiigga ku dadaanayo ee ka taagan halkaasi.

Axmed Madoobe oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay garowsadeen muhiimada ay nabaddu leedahay iyo in dadka ku wada nool Degmada Luuq ay is huran yihiin loona baahan yahay in nabadd lagu wada noolaado.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dhammaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan Malaaqyadda, Ugaasyadda iyo waxgaradka deegaanka oo u hogaansamay awaamiirta maamulka ee ah in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Inta uu socday shirkan odayaasha labada beelood ee ku dagaalamay Degmada Luuq ayaa heshiis ka gaaray waxyaabahii dhacay inta uu dagaalku socday iyagoo sidii dhaqanku uu ahaa sabeen isku xiray kana garaabay waxyaabahii soo kala gaaray labada dhinac.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in maleeshiyaadka colaadaha hurinaya aan laga ogolayn deegaanada Jubaland isla markana talaabo laga qaadi doono hubka oo gacanta shacabka gala iyo abaabulka maleeshiyada qabiilkana aan marna la aqbali doonin.

Sidoo kale, Maxkamaddaha iyo hay’adaha cadaaladda ayuu sheegay in ay gudan doonan shaqadooda isla Markana xukunadda qisaasta ah aan lagaga gaban doonin in mag ay kala qaataan qabaa’ilka iyadoo xukunka qisaasta ah oo la fuliyo ay yarayn doonto dilalka macno darada ah.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan loo baahan yahay in ay gacan ka gaystaan sidii dhaqangal uu u noqon lahaa heshiiska maanta la gaaray Dowladduna ay ka go’antahay in mar danbe ayna soo laaban colaadaha noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynahu ka digay in xukun loo doonto Khawaariijta, isaga oo ku eedeeyay in hurineysay dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

FB_IMG_1729349197563.jpg?resize=696%2C36 FB_IMG_1729349190768.jpg?resize=696%2C39 FB_IMG_1729349188064.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1729349186177.jpg?resize=696%2C53 FB_IMG_1729349183140.jpg?resize=696%2C53 FB_IMG_1729349179653.jpg?resize=696%2C56 FB_IMG_1729349174043.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1729349167149.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1729349163917.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1729349161408.jpg?resize=696%2C55 FB_IMG_1729349159470.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1729349157201.jpg?resize=696%2C46

The post Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka LUUQ + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this