Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Uganda kala hadli doona qorshaha kala guurka howgalka ATMIS

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1729342574399.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo looga warbixiyay Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay in mudada uu Madaxweynuhu joogo dalka Uganda waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

“Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya a ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Uganda kala hadli doona qorshaha kala guurka howgalka ATMIS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this