Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo muujiyay walaaca xoogga leh ee uu ka qabo cawaaqibka ka dhalan kara dilka Yaxye Sinwaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka Kirimiliinka ayaa muujiyay maanta oo Jimce ah walaaca weyn ee uu ka qabo waxa uu ku tilmaamay “musiibada bini aadanimo” ee ka taagan Qasa iyo Lubnaan, mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd dilka hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar.

Afhayeen u hadlay Aqalka Kirimiliinka oo la yiraahdo Dmitry Peskov oo ay soo xiganaysay wakaaladda France Press ayaa yiri “arinta aad noogu muhiimsan waa xaaladda dadka rayidka ah ee aan ku arkayno Qasa iyo Lubnaan, taas ayaa welwel badan nagu haysa”.

Waxa uu tilmaamay Peskov isaga oo ay soo xiganayso wakaaladda warrarka ee Ruushka in “Israa’iil fulinayso ficilladeeda”.

Sidoo kale Peskov waxa uu ku sheegay muuqaal internet ka la soo dhigay oo uu kaga hadlayay dilka Yaxye Sinwaar “warbaahinta ayaa si toos ah u tabinaysa dhacdooyinka maalinlaha ah, taasi waa horumarka laga sameeyay teknolojiyadda”.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this