Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay saldhigga Ein Shemer ee Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

df6cbec0-8dce-11ef-89ae-5575c76d98e6.jpg

Xisbullah ayaa sheegtay inay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen qaar kamid ah ciidanka Israa’iil ee fariisinta ka dhigtay saldhigga Ein Shemer, oo ku yaala bariga magaalada Hadera.

Weerarka ayay sheegeen inay fuliyeen fiidnimadii jimcihii shalay ahaa, iyagoona sheegtay inay saldhigga ku weerareen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ay intaa hadalka ku dareen in ay weerarkaan uga jawaabayeen gantaallo iyo duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan.

Xisbullah ayaa sidoo kale howlgalkaan ku tilmaamtay inuu kamid yahay kuwa is daba joogga ah ee ay ku weerarayaan Israa’iil, waxa ayna sheegeen inuu qeyb ka yahay “howlgalka Khaybar” kaas oo ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay sheegeen.

Dhanka kale Xisbullah ayaa sheegtay inay fulisay howlgallo noocaan oo kale ah oo loo adeegsaday gantaallo gaar ah oo lala beegsaday magaalada Haifa, bayaan ay soo saareen ayayna ku sheegeen in gantaalada ay la beegsadeen Al-Karyut oo ku taalla waqooyiga magaalada Haifa.

Bayaanka Xisbullah ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerar gantaalo ah loo adeegsaday diyaarado Israa’iil ay leedahay oo howlgallo ka fulinayay hawada Lubnaan, gantaallo lagu weerarayna ay sababeen inay isaga laabtaan hawada.

Askarta Israa’iil ee isugu imaanayay Aita al-Shaab, Kfarkila iyo Shlomi, ayay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen ayna sababeen inay dib u gurtaan oo ay howlgallada sii wadi waayaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay qabteen labo diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ka yimid dhanka Lubnaan, iyagoona xusay inay ka jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

Ciidanka Israa’iil waxa ay sheegeen inay gantaallo ku weerareen sandhigyo ay leeyihiin Xisbullah, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo laga soo abaabulayay weerarada lagu qaado Israa’iil.

Israa’iil ayaa duqeymo circa ah ka fulisay deegaano ka tirsan koonfurta Lubnaan Jimcihii shalay, waxaana kamid ah goobaha ay bartilmaameedsatay magaalooyinka Kafra, Majdal Zoun, Anqoun, Ma’roub, iyo koonfurta Taraya, sida ay ku dhawaaqday wakaaladda wararka Lubnaan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka soo gudbay hawada Suuriya
Dhanka kale ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay qabteen “bartilmaameed hawada ah kadib markii shaki la muujiyay” waxa ay ciidanku sheegeen in dhanka Suuriya ay ka timid tuhun muujinaya diyaaradaha aan duuiyaha lahayn oo ka soo gudbaya xudduudda, Jimcihii.

Balse kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha ee Suuriya ay sheegtay in ay ahayd diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo rideen koox hubeysan oo ay taageerto Iran.

Bayaan ay soo saareen ciidanka Israa’iil waxa ay ku sheegeen in “ciidanka cirka Israa’iil ay qabteen bartilmaameed hawada ah oo laga shakiyay kaas oo ka yimid dhanka hawada Suuriya, kahor inta uusan u gudbin gudaha Israa’iil”.

Kormeerayaasha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil lagu weeraray ay yihiin kuwo ay leeyihiin koox Islaami ah oo Ciraaq ka soo jeedda.

‘Observatory’ oo loo adeegsado indha indheynta waxa ka dhaca dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada guud ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in nidaamka difaacca cirka ee Israa’iil ay qabteen bartilmaameedyo dhanka Suuriya ka yimid gaar ahaan buuraha la heysto ee Golan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la qabtay laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay soo ganeen kooxaha iska caabinta Islaamiga ah ee ka dhisan Ciraaq.

“Islamic Resistance in Iraq”, ayaa ah koox hubeysan oo taageero ka hela Iran, waxa ayna ku dhawaaqeen inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen Israa’iil.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this