Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay dunidu ka tiri dilka Yaxye Sinwaar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta qabsaday xogo ku saabsan dilka hoggaamiyihii ururka maxaas yaxye Sinwaar oo ciidamada maamulka Israa’iil ay sheegeen inay ku dileen marinka Qasa, islamarkaana ay meydkiisa helaan oo xaqiijiyeen inuu asagii yahay.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyahan laf-dhabarka u ahaa dagaalka wax iska caabinta ah ee Falastiiniyiinta, ayadoo madaxweyne Joe Biden iyo ku xegeenkiisuba ay arrintan siyaabo kala duwan uga hadleen.

Sheegashada dilka Yaxye Sinwaar ayaa ku kooban dhinaca Israa’iil iyo Mareykanka, Xamaasna weli kama hadlin, sidaa darteed madaxda dalalka dunida intooda badani wax war ah kama soo saarin.

Israa’iil ayaa dhowr jeer horay u sheegatay dilka Yaxye Sinwaar iyo hoggaamiyaal kale oo uu ku jira abaanduulayaha guutada Al-Qassaam Muxamed dayf, balse markan Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, waxaana la sheegay in la xaqiijiyay ka dib markii DNA laga qaaday meyd la helay, haddana weli xogtu ma sugna haddii aysan kooxda Xamaas arrintaas shaacin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this